Ciidamada AUSSOM oo kulan dhiirrigelin iyo bilado guddoonsiin ah ku yeeshay Muqdisho

0

Muqdisho — Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo howlgalka AUSSOM, Amb. El Hadji Ibrahima Diene, ayaa magaalada Muqdisho ku guddoomiyay munaasabad lagu maamuusay ciidamada Dowladda Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

 

Munaasabadda oo ahayd bandhig bilado lagu guddoonsiinayay ciidamada ayaa lagu sharfay dadaalka iyo adeegga ay bixiyeen ciidamada Battle Group 43 tan iyo bishii Febraayo 2025, iyagoo door muuqda ka qaatay howlaha nabad ilaalinta, sugidda amniga iyo xasilinta Soomaaliya.

Amb. Diene ayaa ciidamada ku ammaanay hufnaantooda, naf-hurnimada iyo sida ay uga go’an tahay taageeridda nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya, isagoo xusay muhiimadda ay ciidamada Midowga Afrika ka leeyihiin taageerada dowladda Soomaaliya ee la dagaallanka amni darrada.

Xafladda ayaa sidoo kale ahayd munaasabad lagu wareejinayay maamulka iyo waajibaadka howlgalka, iyadoo ciidamada UPDF ee Battle Group 47 ay si rasmi ah ula wareegeen howlaha ay horay u hayeen Battle Group 43 ee howlgalka AUSSOM.

Howlgalka AUSSOM ayaa weli sii wada taageerada dhinacyada amniga, tababarka ciidamada iyo howlaha xasilinta ee Soomaaliya, iyadoo ciidamada ka socda dalalka Afrika ay qeyb muhiim ah ka yihiin dadaallada lagu sugayo amniga dalka.May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here