MUQDISHO – Xubnaha mucaaradka Soomaaliya ayaa kulan ay yeesheen kaddib kasoo saaray go’aamo ay ku dhaliileen dowladda Federaalka, iyagoo walaac ka muujiyay xaaladda amni iyo siyaasadeed ee dalka.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka, ayaa sheegay in loo baahan yahay in si degdeg ah loo joojiyo howlgalada iyo tallaabooyinka lagu bartilmaameedsanayo siyaasiyiinta mucaaradka.
“Ciidankaan baacsanaya siyaasiyiinta ee dadka guryahooda fatashaya hala joojiyo,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo la hadlay warbaahinta kadib kulanka mucaaradka.
Mucaaradka ayaa ku eedeeyay dowladda inay adeegsaneyso ciidamada ammaanka si cadaadis loogu saaro siyaasiyiinta ka aragtida duwan dowladda, iyagoo sheegay in arrintaasi ay sii hurin karto xiisadaha siyaasadeed ee dalka.
Sidoo kale, waxay ugu baaqeen dowladda Federaalka inay dib ugu laabato wadahadal iyo is-afgarad siyaasadeed, si looga fogaado xaalado horseedi kara xasillooni darro iyo khilaaf hor leh.
DAAWO.




