Somaliland iyo Israa’iil oo gaarey heshiisyo cusub

0

QUDUS – Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog ayaa Axaddii si wadajir ah warbaahinta ula hadlay kaddib kulan ay ku yeesheen Xarunta Madaxtooyada Israa’iil, iyaga oo ku dhawaaqay inay sii xoojinayaan iskaashiga u dhexeeya labada dhinac.

 

Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in wada-hadallada uu la yeeshay Madaxweyne Herzog ay ka tarjumayaan xiriirka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Somaliland iyo Israa’iil, isagoo xusay in labada dhinac ay ka wada shaqayn doonaan dhismaha mustaqbal ku saleysan iskaashi, wax-wada-qabsi iyo fursado wadaag ah oo u adeegaya horumarka labada shacab.

Waxa uu sidoo kale sheegay inuu sharaf u arkay casho sharaf rasmi ah oo uu ku maamuusay Madaxweynaha Israa’iil, isagoo uga mahadceliyey soo dhoweynta uu kala kulmay Tel Aviv.

Dhankiisa, Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog ayaa sheegay in la joogo waqtigii laga gudbi lahaa ku dhawaaqista xiriir diblomaasiyadeed oo keliya, loona gudbi lahaa iskaashi dhab ah oo dhinacyo badan leh.

Herzog ayaa xusay in labada dhinac ay wadaagaan dano istiraatiiji ah iyo caqabado isku mid ah, gaar ahaan la dagaallanka kooxaha xagjirka ah, sugidda amniga gobolka iyo ilaalinta marinnada badda.

Kulankan ayaa lagu tilmaamay mid xoojinaya xiriirka sii ballaaranaya ee Somaliland ay la yeelanayso Israa’iil, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen fursado iskaashi oo mustaqbalka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here