BENGHAZI, LIIBIYA – Wafdi ka socda labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kana qayb galaya Shirweynaha 2-aad ee Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika ee ka socda magaalada Benghazi, ayaa kulan gaar ah la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Liibiya, ahna Guddoomiyaha Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika, Caqiila Saalax Ciise.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku xiran xabsiyada Liibiya iyo xarumo sharci darro ah oo lagu hayo, kuwaas oo la sheegay inay wajahayaan duruufo adag iyo tacaddiyo bani’aadannimo.
Wafdiga Baarlamaanka Soomaaliya ayaa muujiyay walaaca ay ka qabaan xaaladda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Liibiya, iyagoo adkeeyay baahida loo qabo in loo helo daryeel degdeg ah, xal waara iyo in dib loogu soo celiyo dalkooda.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Liibiya, Caqiila Saalax Ciise, ayaa si diirran u soo dhaweeyay codsiga wafdiga Soomaaliyeed, wuxuuna ballan qaaday in si dhow wax looga qaban doono arrintaas. Waxa uu sheegay in la dhisi doono guddi baarlamaani ah oo si gaar ah ula socon doona xaaladda dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku jira xabsiyada iyo xarumaha lagu hayo.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Baarlamaannada Soomaaliya iyo Liibiya, gaar ahaan dhinacyada sharci-dejinta, kormeerka, is-dhaafsiga khibradaha iyo kor u qaadista wada-shaqeynta baarlamaannada ee labada dal.




