Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Saxiixday Qandaraaska Daraasadaynta iyo Naqshadaynta Waddada Galkaayo Elguula

0

Muqdisho – Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta martigelisay munaasabad lagu saxiixayay qandaraaska adeegyada daraasadaynta, naqshadaynta, qiimeynta saameynta deegaanka iyo bulshada, iyo diyaarinta dukumentiyada qandaraas-bixinta ee qaybta Galkaayo–Elguula oo dhererkeedu yahay 100 kiiloomitir.

 

Munaasabadda ayaa waxaa shir-guddoominayay Wasiirka Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta, Mudane Ayuub Ismaaciil Yuusuf, waxaana ka qeyb galay Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Hawlaha Guud ee Galmudug, Mudane Axmed Dhiblaawe Kaasir, masuuliyiin ka socday IBS Bank, GOB Community Organisation iyo shirkadda KKATT Consult Limited.

Waddada Galkaayo–Hobyo ayaa loo aqoonsan yahay mid ka mid ah kaabeyaasha ugu muhiimsan ee bartamaha Soomaaliya, maadaama ay isku xirto deegaannada gudaha iyo dekedaha iyo xeebaha Badweynta Hindiya. Mashruucan ayaa la filayaa inuu door weyn ka qaato kobcinta ganacsiga, fududeynta isu-socodka dadka iyo badeecadaha, kor u qaadista amniga, iyo xoojinta isdhexgalka dhaqaalaha dalka.

Bilowga daraasadaynta iyo naqshadaynta qaybta Galkaayo–Elguula ayaa ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday hirgelinta mashruuca guud ee waddada Galkaayo–Hobyo oo dhererkeedu dhan yahay 260 kiiloomitir.

Wasiirka Hawlaha Guud, Mudane Ayuub Ismaaciil Yuusuf, ayaa sheegay in mashruucani muhiimad gaar ah u leeyahay horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha dalka, isagoo xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay dardargelinta maalgashiga kaabeyaasha dhaqaalaha iyo xoojinta iskaashiga ay la leedahay Dowladda Galmudug iyo bah-wadaagta horumarinta.

Dhankiisa, Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa bogaadiyay dadaallada lagu hirgelinayo mashruucan, isaga oo tilmaamay in waddadani ay muhiim u tahay horumarka, isku xirnaanta iyo xasilloonida dalka.

Qandaraaska la saxiixay ayaa shirkadda KKATT Consult Limited u xilsaaraya fulinta daraasaadka farsamo, naqshadaynta hordhaca ah iyo tan faahfaahsan, qiimeynta saameynta deegaanka iyo bulshada, iyo diyaarinta dukumentiyada qandaraas-bixinta ee qaybta Galkaayo–Elguula.

Mashruucan ayaa qayb ka ah Barnaamijka Horumarinta Kaabeyaasha Waddooyinka Soomaaliya (RIPSOM), oo ay maalgelinayaan Bangiga Horumarinta Afrika iyo Midowga Yurub, isla markaana ay fulinayso Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.May be an image of dais and text that says "F PUBLIC WORKS, RECONSTRUCTION & HOUSING-FGS INFRASTRUCTURE PROGRAMME SOMALIA (RIPSO) CONTRACT SIGNIN COO MONY NCY SERVICES FOR FEASIBILITY NG DESIGN, ESIA, AND PRER GALKAYO-HOBYO (GALKA JAAIN ARY AND DETAILED DOCUMENTSFOR FOR AD (100KM)"

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here