Wasiirka Warfaafinta oo Guddoomiyay Shirka Billaha ah ee Xafiisyada Warfaafinta Hay’adaha Dowladda

0

MUQDISHO – Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa guddoomiyay shirka billaha ah ee Xafiisyada Warfaafinta ee Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo ka dhacay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

 

Shirka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta mideynta fariimaha dowladda, horumarinta xiriirka warbaahinta, iyo dardargelinta howlaha wacyigelinta bulshada, iyadoo la isla eegay sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta iyo isku-duwidda hay’adaha dowladda ee dhinaca warfaafinta.

Kulanka waxaa si gaar ah loogu falanqeeyay diyaar-garowga iyo baahinta ololayaasha wacyigelinta ee la xiriira Maalmaha Xorriyadda Soomaaliyeed. Ka qeybgalayaasha ayaa isku raacay muhiimadda ay leedahay in dhammaan hay’adaha dowladda ay bulshada si mideysan ugu gudbiyaan farriimaha ku saabsan qiimaha xorriyadda, waddaniyadda, midnimada iyo taariikhda halgankii gobannimo-doonka Soomaaliyeed.

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ahna Agaasimaha Warfaafinta ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Cabdinaasir Axmed Bashiir, ayaa sharaxaad ka bixiyay muhiimadda kulankan iyo doorka uu ku leeyahay xoojinta iskaashiga iyo isku-duwidda xafiisyada warfaafinta ee hay’adaha dowladda. Waxa uu tilmaamay in kulamadan ay gacan ka geysanayaan xaqiijinta fariimo dowladeed oo mideysan, hufan, isla markaana si wax ku ool ah u gaara shacabka Soomaaliyeed.

Ka qeybgalayaasha kulanka ayaa soo bandhigay aragtiyo iyo talooyin ku saabsan sidii loo sii xoojin lahaa mideynta fariimaha dowladda, wadaagga xogta, iskaashiga dhinaca warbaahinta iyo kor u qaadista tayada wacyigelinta bulshada. Waxay sidoo kale carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in hay’adaha dowladda ay ku shaqeeyaan hannaan warfaafineed oo mideysan oo u adeegaya danaha qaranka.

Gabagabadii kulanka, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa ku boorriyey hay’adaha dowladda inay laba jibbaaraan dadaallada lagu xoojinayo wacyigelinta bulshada, kor u qaadista waddaniyadda, adkeynta midnimada shacabka Soomaaliyeed iyo xuska munaasabadaha Maalmaha Xorriyadda.

Wasiirka ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqay muhiimadda ilaalinta, kobcinta iyo adeegsiga Afka Hooyo, iyo xushmeynta astaamaha Qaranka, si waafaqsan Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Wuxuu tilmaamay in afka, dhaqanka iyo astaamaha qaranku ay yihiin tiirarka lagu ilaaliyo aqoonsiga, wadajirka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in hay’adaha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay u midoobaan difaaca qaddiyadaha qaranka, ilaalinta wadajirka bulshada iyo ka hortagga wax kasta oo dhaawici kara midnimada, wada noolaanshaha iyo danaha guud ee qaranka Soomaaliyeed.May be an image of one or more people, dais, newsroom and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here