Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS oo Furay Shirweynaha Saddexaad ee Madasha Horumarinta Soomaaliya

0

Muqdisho – Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u furay Shirweynaha Saddexaad ee Madasha Horumarinta Soomaaliya (Somalia Development Forum), oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Machadka Heritage iyo Jaamacadda City.

 

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa sheegay in Soomaaliya ay gaartay horumar la taaban karo oo dhinacyada dib-u-habaynta dowladnimada, dimuqraadiyadda, kobaca dhaqaalaha iyo maalgashiga horumarineed, inkastoo ay weli jiraan caqabado ay ka mid yihiin isbeddelka cimilada, hoos u dhaca taageerada caalamiga ah iyo saameynta xasillooni darrada gobolka.

Waxa uu xusay in dowladda ay ka go’an tahay dardargelinta hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029), xoojinta adkeysiga dhaqaalaha iyo diyaarinta qorshayaal lagaga hortagayo khataraha mustaqbalka. Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda wada-hadalka, dowlad-dhiska loo dhan yahay iyo iskaashiga u dhexeeya dowladda, bulshada rayidka ah, aqoonyahannada iyo bah-wadaagta horumarinta, si loo xaqiijiyo Soomaaliya nabdoon, dimuqraadi ah oo xasilloon.

Shirweynaha oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimo muhiim u ah mustaqbalka Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin dowlad-wanaagga, dib-u-heshiisiinta, amniga, dhaqaalaha, horumarinta iyo xoojinta adkeysiga dalka ee caqabadaha gudaha iyo kuwa dibadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here