Muqdisho – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cali, ayaa booqasho tacsi ah ku tagay Safaaradda Dowladda Qatar ee Muqdisho, halkaas oo uu ku saxiixay buugga tacsida, isaga oo gaarsiiyay dhambaal tacsi ah oo ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed.
Tacsida ayaa ku saabsan geerida Alle ha u naxariistee Sheekh Hamad bin Khalifa Al Thani, Aabbaha Amiirka Dowladda Qatar iyo Amiirkii hore ee dalkaas. Wasiirka ayaa waxaa Safaaradda ku soo dhaweeyay Safiir Ku-xigeenka Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya, Dr. Cabdullaahi bin Saalem Al Nuceymi.
Mudane Cabdisalaan Cali ayaa tacsi u diray Amiirka Dowladda Qatar, Sheekh Tamiim bin Hamad Al Thani, qoyska boqortooyada, dowladda iyo shacabka walaalaha ah ee Qatar, isaga oo uga tacsiyeeyay geerida ku timid Amiirkii hore, una rajeeyay samir iyo iimaan.




