Abwaan Nageeye oo shaaciyay sababta uu ugu biiray kooxda Al-Shabaab

0

MUQDISHO (SMN) – Abwaan Nageeye Cali Khaliif oo bare ka ahaa Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa si rasmi ah ugu biiray Al-Shabaab kadib 100 maalmood oo la la’aa halka uu jaan iyo cirib uu dhigay.

 

Nageeye ayaa kasoo muuqday wareysi ay ka qaaday warbaahinta ku hadasha afka Al-Shabaab, isaga oo si rasmi ah u caddeeyay inuu ku biiray kooxda.

Mar uu ka hadlayay sababta uu ugu biiristiisa Al-Shabaab ayuu sheegay inay la xiriirto mabda’ oo uu kula jaal noqday ururkan sida weyn uga soo horjeeda dowladda Soomaaliya.

Tan iyo markii la waayay Abwaan Nageeye ayaa waxaa soo baxayay tuhuno la xiriira inuu ku biiray Al-Shabaab, balse hadda ayuu si rasmi ah u caddeeyay ku biiristiisa kooxdaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here