Faahfaahino kasoo baxaya howlgal ka dhacay magaalada Garoowe + Ujeedka

0

GAROOWE (SMN) – Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa xalay howlgal ka sameeyay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, kaas oo laga helayo warar kala duwan.

 

Qoraal kasoo baxay taliska qaybta booliska gobolka Nugaal ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka lagu beegsaday koox Cabtooy ah oo ku sugneyd magaalada.

Booliska ayaa ku eedeeyay ragga la weeraray inay ku howlanaayeen burcadnimo iyo amni darro, sida lagu sheegay warbixinta.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan:-

Ciidanka Booliska  qaybta Gobolka  Nugaal ayaa caawa hawlgal qorsheysan ku qaaday kooxo Cabtooy ah oo faraha kula jira dambiyo culus oo la xidhiidha ka ganacsiga daroogada oo qeyb wayn ka ahaa falal burcadnimo iyo Amni daro.

Saraakiisha Ciidanka Booliska Dowlada Puntland waxay balanqaadayaan dhib kasta oo kayimaada xoojinta iyo sii socoshada hawlgalka lagu beegsanayo cid kasta oo ku lug leh amni darro iyo Ganacsiga daroogada halista,wuxuuna hawlgalka si xiriir ah habeen iyo maalin uga socon doonaa magaalada Garoowe illaa iyo inta laga gaarayo natiijo wanaagsan.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal G/sare Maxamed Cali Marduuf oo howlgalka hogaaminayay ayaa bogaadiyay Ciidanka qaybta gobolka Nugaal,oo uu uga mahad celiyay Howlgalka ay wadaan isagoo umahad celiyay dhamaan muwaadiniinta ku garabsiinaya ciidanka la dagaalanka Cabtoyda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here