Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha oo shir-guddoomiyey kulanka laba-toddobaadlaha ah ee Wasaaradda

0

Muqdisho – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xasan Shire (Mohamed H. Shire), ayaa shir-guddoomiyey kulanka laba-toddobaadlaha ah ee Wasaaradda, kaas oo ay ka qaybgaleen agaasimeyaasha waaxyaha iyo la-taliyeyaasha farsamo.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta howlaha Wasaaradda, heerka uu marayo fulinta qorshayaasha shaqo ee sannadka 2026 iyo diyaarinta qorshaha sanadka soo socda ee 2027. Ugu horreyn, agaasimeyaasha waaxyaha ayaa kulanka ka soo jeediyey warbixinno la xiriira howlaha u qabsoomay, kuwa hadda socda iyo howlaha weli dhiman ee ku jira qorshaha shaqo ee sannadka 2026.

Sidoo kale, waxaa kulanka lagu falanqeeyey sidii looga faa’iideysan lahaa xafiisyada dheeraadka ah ee Wasaaradda, iyo dejinta habraacyo mideysan oo lagu maamulayo gaadiidka cusub ee Wasaaradda. Agaasimaha Guud, Maxamed Xasan Shire, ayaa agaasimeyaasha waaxyaha faray inay dardargeliyaan dhammaystirka howlaha u qorsheysnaa sannadkan, isla markaana ay si waqtigooda ah u diyaariyaan qorshe-hawleedka sannadka 2027.

Waxa uu sidoo kale Waaxda Qorsheynta faray inay bilowdo diyaarinta dib-u-eegista muddada dhexe ee Istiraatiijiyadda Shanta Sano ee Wasaaradda, taas oo lagu qiimeyn doono heerka fulinta qorshayaasha iyo waxyaabaha u baahan in wax laga beddelo ama la xoojiyo. Dhanka kale, Agaasimaha Guud ayaa xaqiijiyey in Shirka Sanadlaha ah ee Wasaaradda Amniga Gudaha la qaban doono bisha Febraayo 2027, iyadoo ajandaha shirka lagu diyaarin doono wadatashi ballaaran oo lagu falanqeyn doono waxqabadka Wasaaradda, caqabadaha jira iyo mudnaanta istaraatiijiyadeed ee horyaalla.

Kulankan laba-toddobaadlaha ah ayaa qeyb ka ah dadaallada Wasaaradda Amniga Gudaha ee lagu xoojinayo isku-duwidda howlaha waaxyaha, kor u qaadista hufnaanta shaqada iyo xaqiijinta qorshayaasha u degsan Wasaaradda.May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here