Shusha, Azerbaijan – Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, iyo dhiggiisa dalka Azerbaijan, Ilham Aliyev, ayaa kulan laba geesood ah ku yeeshay magaalada Shusha ee dalka Azerbaijan, kaddibna qabtay shir jaraa’id oo wadajir ah, kaas oo ay kaga hadleen xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo xoojinta iskaashiga ka dhexeeya.
Madaxweyne Erdoğan ayaa sheegay in guushii Azerbaijan ay ka gaartay gobolka Karabakh ay tahay guul taariikhi ah oo sharaf u ah Azerbaijan iyo guud ahaan dunida Turkiga, isaga oo xusay in xiriirka Ankara iyo Baku uu maanta marayo heer aad u sarreeya, kaddib markii uu soo maray caqabado kala duwan oo taariikhi ah.
Erdoğan ayaa carrabka ku adkeeyay in xiriirka labada dal uu ku dhisan yahay mabda’a ah “Hal qaran, laba dowladood”, kaas oo uu ku tilmaamay midnimo qoto dheer oo salka ku haysa taariikh, dhaqan iyo jacayl ay labada shacab wadaagaan.
Waxa uu sheegay in walaaltinimada Turkiga iyo Azerbaijan aysan ku koobnayn oo keliya luqadda, taariikhda iyo dhaqanka ay wadaagaan, balse ay tahay xiriir qaran oo xooggan, isaga oo xusay in farxadda magaalada Baku ay tahay farxadda Ankara, halka sharafta magaalada Shusha ay tahay sharafta guud ahaan shacabka Turkiga.
Dhanka kale, Madaxweynaha Turkiga ayaa ka hadlay muhiimadda Ururka Dowladaha Turkiga (Organization of Turkic States), isaga oo sheegay in heerka uu maanta ururku gaaray uu muujinayo rabitaanka iyo dadaallada wadajirka ah ee dalalka xubnaha ka ah.
Waxa uu dowladda Azerbaijan uga mahadceliyay dadaalladii ay sameysay muddadii ay hoggaanka ururka haysay, gaar ahaan kuwa la xiriiray xoojinta midnimada iyo horumarinta iskaashiga dunida Turkiga.
Erdoğan ayaa sidoo kale muujiyay rajada uu ka qabo in muddada uu dalkiisu hoggaaminayo ururka lagu horumarin doono qaab-dhismeedkiisa hay’adeed, si uu u noqdo mid awood iyo waxqabad badan leh.
Gabagabadii booqashada, Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan iyo Marwada Koowaad ee Turkiga, Emine Erdoğan, ayaa ka qaybgalay casho sharaf rasmi ah oo ay u sameeyeen Madaxweynaha Azerbaijan, Ilham Aliyev, iyo Marwada Koowaad ee dalkaas, Mehriban Aliyeva.
Kulanka ayaa mar kale muujinaya xiriirka dhow ee siyaasadeed iyo walaaltinimo ee ka dhexeeya Turkiga iyo Azerbaijan, kuwaas oo muddo dheer ku suntanaa iskaashi dhinacyo kala duwan leh.




