AMISO oo u diyaar garowday amniga doorashooyinka dalka

0

Saraakiil ka tirsan ciidammada Booliska Nabad illaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta booqday xarunta loo asteeyay in lagu qabto doorashada labada aqal ee Baarlamaanka Dowladda Fedraalka ah ee Soomaaliya, si ay u qiimeyn iyo indho-indheyn ugu sameeyaan.
Saraakiisha ayaa warbixinno ka dhagaystay Guddoomiyaha guddiga hirgalinta doorashooyinka ee heer Dowlad Goboleedka Jubbaland Dr Siyaad Maxamed Mursal iyo Guddoomiyaha guddiga Baarlamaanka Jubbaland u qaabilsan qabashada doorashada Aqalka sare Xildhibaan Xuseen Xirsi Axmed.

Kismaayo ayaa lagu wadaa in dhawaan ay ka bilowdaan doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ku matali doona Jubaland, iyadoo maanta uu Kismaayo gaaray guddoomiyaha guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Federaal Maxamed Xasan Cirro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here