Mahad Wehliye “DFS waa inay baarto diyaaradaha ku dhaca goobaha AS”

0

MUQDISHO (SMN) – Mahad Wehliye Raan oo ah falanqeeye amni ayaa ka hadlay diyaaradaha mar kasta ku dhaca deegaanada ay ka taliyaan Al-Shabaab, kadib wareysi uu siiyay Idaacadda Shabelle.

 

Mahad ayaa tuhun weyn ka muujiyay diyaaradahaasi, isaga oo sheegay inay suuragal tahay in saanad iyo sahay u sidaan kooxda Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray dowladda Soomaaliya, oo uu ka dalbaday inay baaris dheeraad ah ku sameyso diyaaradaha ku dhaca goobaha ay joogaan Al-Shabaab.

“Dowladdu waa in ay baaris dhab ah ku sameysaa diyaaradahan mar kasta ku dhacaya goobaha Al-Shabaabka” ayuu wareysiga ku ku yiri Mahad Wehliye Raan.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here