Barakac xoogan oo ka billowday Wanlaweyn iyo Wararkii ugu dambeeyay

0

WANLAWEYNE (SMN) – Wararka naga soo gaaraya Shabeelaha Hoose ayaaa sheegaya in haatan barakac xoogan uu ka socdo degmada Wanlaweyn ee gobolkaasi, kadib markii ay ku rogmadeen daadad xoogan.

 

Dadka shacabka ah ayaa bilaabay inay isaga barakacaan xaafado ka mid ah degmada, kadib roobab xoogleh oo saameyn dhaliyay oo ka da’ay halkaasi.

Sidoo kale waxaa laga barakacay tuulooyin hoosyimaada magaalada, ayada oo biyuhu hala keeyeeen beero ku yaalla aagga degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Cumar Cabdi Cismaan oo kamid ah dadka deegaanka ayaa Shabelle uga warbixiyay xaaladda degmada, wuxuuna sheegay in weli ay cabsi ka qabaan fatahaado kale.

Shabeelaha Hoose oo hoostaga Koonfur Galbeed ayaaa ka mid ah meelaha ay sida weyn u sameeyeen fatahaadaha ka jira dalka, waxaana kamid ah magaalooyinka dhibaatada laga soo wariyay Afgooye, Buulo-Mareer iyo deegaano kale oo hoosyimaada gobolkaasi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here