Galmudug oo war kasoo saartay dagaal ka dhacay badda iyo khasaaraha ka dhashay

0

Maamulka  Galmudug ayaa ka hadalay Is-risaaseeyn dhexmartay Ciidmada Ilaalada xeebaha Galmudug iyo Ciidan la socday Markab si sharci daro ah uga kalluumeysanayay  xeebta Magaalada Hobyo ee Gobalka Mudug

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda amniga Galmudug aya u qoranaa sidan:-

Xeebaha Badweynta Hindiya ee Galmudug ku beegan ayaa sababay in doon weyn oo si sharcidarro ah uga kalluumaysanaysay inta u dhaxeyso Hobyo iyo Ceelhuur ay rasaas xooggan ku furtay doomihii ay saarnaayeen ciidamada marinesku halkaas oo dhaawac ka soo gaaray sarkaal iyo askari ka tirsan ciidamada marines-ka oo hawlgalkaas qeyb ka ahaa.

Ciidamada ilaalada Xeebaha Galmudug  oo iska difaacay weerarkaas ayaa ku qasbay in doontaas ay weerarka kadib ay halkaasi ka cararto ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Amniga Galmudug

Bil ka hor ayey aheyd markii ciidamada ilaalada xeebaha Galmudug ay ku guulaysteen in ay gacanta ku soo dhigaan doon laga leeyahay dalka Yemen oo si sharcidarro ah uga kaluumaysnaysay aagga xeebaha Galmudug.

Ciidamada ilaalada Xeebaha Galmudug ayaa hawlgallo lagu xaqiijinayo amniga xeebaha Galmudug, isla markaana lagula dagaalamayo kalluumaysiga sharcidarrada ah ee doomaha iyo maraakiibta shisheeye ay ka wadaan xeebaha baddeena.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here