Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda XFS oo kulamo ka wada Koonfur Afrika
JOHANNESBURG (SMN) - Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Isxaaq Maxamuud Mursal oo haatan ku sugan dalka Koonfur Afrika ayaa kulamo xasaasi ah ka wada magaalada Johannesburg ee caasimasa dalkaas, kuwaas oo uu la qaadanayo jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha waddanka Koonfur Afrika.
Kulamadaan ayaa waxaa looga hadlayaa dhibaatooyinka Soomaalida loogu gaysto magaalooyinka dalkaasi, maadaama ay...
Ciidamada Danab oo burburiyay saldhigyo ay lahaayeen Al-Shabaab
KISMAAYO (SMN) - Ciidanka Kumandooska Danab ee Xoogga Dalka ayaa burburiyay goob ay Al-Shabaab kaga sugnaayeen gobolka Jubbada hoose.
Howlgallada ayaa si gaar ah ugu dhacay deegaanada kala ah Yaaq-xaluul, Qod-qod, Beer-xaani,Quddus iyo goobo kale,
Gaashaanle Carab Dheeg Axmed oo howlgalka hoggaaminayay ayaa Warbaahinta u sheegay in ay Ciidanku burburiyeen fariisimo ay Al-Shabaab halkaas ku lahaayeen.
Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay...
Goobaha ganacsiga Dhuusamareeb oo xiran kadib dilal ka dhacay magaaladaasi
DHUUSAMAREEB (SMN) - Xaaladda magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta kacsan, kadib markii xalay magaaladaasi lagu dilay Sheekh Xasan Diirshe Cadde iyo Saciid Tahliil Maxamed oo ahaa ganacsato si weyn looga yaqaanay deegaanada maamulka Galmudug.
Labada marxuum ayaa waxaa toogtay maleeshiyaad hubeysan oo u dilay aano qabiil darteed, sida ay innoo xaqiijiyeen qaar kamid ah dadka deegaanka.
Sidoo kale waxaa falkan ka dhashay...
UN Security Council renews mandate of assistance mission in Somalia
NEW YORK - The UN Security Council on Tuesday adopted a resolution to renew the mandate of the UN Assistance Mission in Somalia (UNSOM) for a year, till Oct. 31, 2024.
Resolution 2705, which was adopted unanimously by the 15-member council, requests UNSOM to continue to maintain and strengthen its presence across Somalia, in consultation with the federal government of...
Sawirro: Muxuu ahaa ujeedka shirka ay yeesheen golaha wasiirada HirShabelle?
JOWHAR (SMN) - Madaxweynaha HirShabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa gudoomiyay shir ay caawa Golaha Wasiirada maamulkaasi ku yeesheen magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.
Shirka Golaha Wasiirada ayaa looga hadlay Arrimaha amniga iyo howlgalada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta ee ka socda deegaanada Hirshabeelle, Hindise-Sharciyeedka Maareynta Deegaanka Hirshabeelle, Hindise-Sharciyeedka diiwaangelinta hay'addaha aan dowliga ahayn, Ka doodista Hindise-Sharciyeedka hubka...
Aadan Madoobe oo la kulmay guddiga BFS u qaabilsan baarlamaanka Adduunka
MUQDISHO (SMN) - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay weheliyaan ku xigeenadiisa ayaa maanta kulan la qaatay Guddiga Baarlamaanka Soomaaliya ku matala Midowga Baarlamaanada Aduunka (IPU).
Guddoonka ayaa guddiga ka dhageystay warbixin ku saabsan shirka meertada 147-aad ee Midowga Baarlamaanada Aduunka oo ay xubnaha uga qeyb galeen magaalada Luanda ee caasimada...
Afar qof oo ku dhintay Fatahaadaha Webiyada Soomaaliya
MUQDISHU - Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay in ka badan 278,000 oo kalena ay saameeyeen roobab mahiigaan ah iyo fatahaadaha wabiyada tan iyo markii ay bilowdeen roobab xilliyeedka (Oktoobar-December) ee Soomaaliya saddex toddobaad ka hor, sida uu sheegay xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaramada Midoobay. Isuduwidda Arrimaha Bani'aadamnimada (OCHA).
Qaramada Midoobay ayaa warbixinteedii ugu dambeysay ee fatahaadda,...
Guddoomiye Xasan Abshirow oo la kulmay wafdi ka socda dalka Japan
MUQDISHO (SMN) - Guddoomiyaha Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Mudane Xasan Abshirow Maxamed ayaa xafiiska ku qaabilay wafdi ka socda Hay’adda Iskaashiga Caalamiga ah ee Dalka Japan (Japan International Cooperation Agency – JICA).
Kulanka ayaa looga wadahadalay arrimaha Maamulka & Maareynta Shaqaalaha iyo sida Hay’adda JICA u taageeri lahayd Shaqaalaha Dowladda Soomaaliya.
Ugu dambayn, Guddoomiyaha ayaa wafdiga uga mahad celiyay...
Ra’iisul wasaaraha XFS oo war cusub ka soo saaray dhammeystirka dastuurka
MUQDISHO (SMN) - Ra’iisul wasaaraha XFS, mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in uu dalku u baahan yahay dastuur dhamays tiran si aan cagaheenna isugu taagno, una noqonno dowlad buuxda.
Ra’iisul wasaare Xamse” Dowlad aan dastuurkeedu dhammeystirneyn dowlad ma noqon karto, waxaan u baahanahay inaan dhammeystirno dastuurka”.
Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka hadlayay shir ku saabsanaa doorka muhiimka ah ee culimada...
Kenyan Police kill 2 Al Shabaab doctors in Garissa raid
GARISSA, Kenya - At least two members of the al Shabaab terror group who had been acting as doctors for the group were Monday killed in a raid by police in their camp in Fafi, Garissa County.
Police said the incident happened at a medical camp for the gang in the Hagarso area.
There are fears there are dozens of more...












