Isimada Puntland oo go’aano culus soo saaray iyo Deni oo ka horyimid
GAROOWE (SMN) - Isimimada dhaqanka Puntland ayaa xalay soo saaray go'aano culus oo ku aadan doorashada maamulkaas oo ay weli isku hayaan xubnaha mucaaradka iyo madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni.
Isimada oo maalmihii u dambeeyay uu shirweyne uga socday Garoowe ayaa soo saaray baayan ka kooban 11 qodob, kaas oo lagu sheegay in xukuumadda looga baahan yahay inay doorashada ku qabato...
Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda Lacagta IMF oo gaaray heshiis cusub
MUQDISHO (SMN) - Hey'adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay warbixin ay uga hadashay dadaalka Dowladda Soomaaliya ee hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda oo meel wanaagsan maraya iyo Dowladda Soomaaliya iyo IMF oo is afgarad ka gaadhay barnaamij cusub oo lagu sii xoojinayo hannaanka Maaliyadda iyo dib u dhiska dhaqaalaha oo dayn cafiska ka dib la hirgalin doono.
Warbixinta IMF ayaa...
Madaxweyne Laftagareen oo gaaray degmada Qansaxdheere + Sawirro
QANSAXDHEERE (SMN) - Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu Hogaaminayo ayaa si diiran loogu soo dhoweyey Degmada Qansaxdheere ee Gobolka Baay.
Wasiirka Gaashandhigga XFS, Wasiirka Amniga, Wasiirka Bay'adda Agaasimaha Madaxtooyadda, iyo Saraakiil Ciidan ayaa qeyb ka ahaa Wafdiga Madaxweynaha ee maanta gaaray Magaalada Qansaxdheere
Socdaalka Madaxweyne Laftagaren ee Magaalada Qansaxdhere ayaa daaran Qorshaha la dagaallanka Alshabaab...
Sawirro: Muxuu ahaa ujeedka shirka uu guddoomiyay Ra’iisul wasaare Xamza?
MUQDISHO (SMN) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulankii ugu horreeyay ee Golaha Hannaanka Casriyeynta iyo Isbeddelka Soomaaliya, kaas oo looga gol-leeyahay in lagu dhiso, laguna kobciyo isbeddel horseedaya Horumar waara.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray waajibaadka looga fadhiyo xubnaha Golaha Hannaanka Casriyeynta taabogalinta hannaanka casriga ah ee la hiigsanayo in jiho cusub u horseedo...
Sheekh Xasan Diirshe iyo Saciid Tahliil oo lagu aasay magaalada Cadaado
CADAADO (SMN) - Allaha u naxariistee waxaa maanta magaaad Cadaado lagu aasay, Sheekh Xasan Diirshe Cadde iyo Saciid Tahliil Maxamed oo xalay aano qabiil loogu dilay bartamaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamul goboleedka Galmudug.
Labada marxuum ayaa ahaa ganacsato si weyn looga yaqaanay Galmudug, wuxuuna dilkooda dhaliyay caro, ayada oo maamulka loogu baaqay inuu soo qabto dambiilayaasha.
Aaska loo sameeyay marxuumiinta...
Sawirro: Hay’adda SoDMA oo raashin ka qaybisay magaalada Baydhabo
BAYDHABO (SMN) - Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA ayaa maanta 400 oo qoys oo ku nool magaalada Baydhabo ee maamulka Koonfur Galbeed gaarsiisay deeq raashin ah, kuwaas oo ay saameeyeen daadadka ElNiño ee dhowaan halkaasi ku dhuftay.
Dadka iyo qoysaska raashinka loo qeybiyay ayaa ka koobnaa kuwo danyar ah iyo dadka jilicsan sida, naafada ,haweenka , wayeello, kuwaas oo...
Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo gaaray dalka Turkiga
MUQDISHO (SMN) - Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin iyo Wafti Saraakiil Boliiska ah oo uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Ankara ee dalka Turkiga.
Wafdiga ayaa waxaa ka mid ah Taliyaha qeybta guud ee Boliiska Gobolka Banaadir, Gaashaanla Sarre Mahdi Cumar Muumin iyo Taliyaha hoggaanka baarista dembiyada CID Gaashaanle dhexe, Maxamed Cabdi Wahaab (Anwar).
Safarka ayaa daarranaa...
Somali army’s elite Danab forces dislodge Al-Shabaab from key bases
KISMAYO (SMN) – The US-trained Danab special forces ransacked main bases belonging to Al-Shabaab on the outskirts of Kismayo, a port city in southern Somalia on Tuesday.
The troops from SNA's most feared elite unit clashed with the militants during their operation in Yaq-Halul, Qod-Qod, Beer-Haani, Qudus, and other small rural villages.
Speaking to the media, major Arab Dheeg Ahmed, a...
Somaliland oo maanta xukun toogasho ah ku fulisay shan qof
HARGEYSA (SMN) - Ciidamada Booliska Somaliland ayaa maanta dil toogasho ah ku fuliyay 5 nin oo horay loogu riday xuku dilal ah kuwaas oo lagu toogtay fagaaraha xabsiga weyn ee Mandheera ee maamulkaasi.
Shanta qof ee la toogtay ayaa waxaa dhammaan lagu helay inay horay dilal u gaysteen, ayada oo maanta loo qisasaasay dilalkaasi, waxayna kala ahaayeen:
1-Ayaanle Axmed Ismaaciil, 2-Cabdirashiid...
Somaliland executes five men by firing squad for killing
HARGEISA, Somalia - The northern breakaway region of Somaliland on Wednesday morning executed 5 men found guilty of killing.
The execution took place in the Madheera area, outside Hargeisa, the capital of Somaliland.
President Muse Bihi signed the execution of the men whose names have not yet been released. It was carried out without announcement.
The government of Somaliland faced criticism from...












