Shabelle Media Network Logo

Radio Shabelle Live

Powered by Shabelle Media Network

Taliyaha Qaybta 1’aad ee Kumaandooska Gorgor oo booqasho ku tagay cutubyo ka tirsan ciidanka Xooga Dalka

Jabad Godane, Shabeellaha Dhexe — Taliyaha Qaybta 1’aad ee Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Gorgor, Col. Saahid Jamaac Faarax, ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay cutubyo ka tirsan Kumaandooska Gorgor ee ku sugan deegaanka Jabad Godane, gobolka Shabeellaha Dhexe.   Booqashadan ayaa ku soo beegantay xilli uu halkaasi ka socdo howlgal qorsheysan oo lagaga hortagayo kooxda Al-Shabaab, kaas oo ay Ciidanka...

Wasaaradda Dekedaha oo soo dhaweysay ansixinta Is afgaradka Maamullada Dekedaha ee Gobolka Badweynta Hindiya

Muqdisho — Waxaan mahad ballaaran u jeedinayaa Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta meel-mariyey Is-afgaradka ka dhexeeya Maamullada Dekadaha (PSC) ee gobolka Badweynta Hindiya.   Is-afgaradkani wuxuu xoojinayaa iskaashiga iyo xog-wadaagga dalalka gobolka, wuxuuna gacan ka geysanayaa hubinta badbaadada, ilaalinta deegaanka, iyo kordhinta kalsoonida dekedaha. Waxaa naga go’an hirgelinta shuruucda iyo siyaasadaha muhiimka u ah danaha qaranka, si loo helo...

Golaha Wasiirrada Oo Ka Wada Hadlay Amniga Dalka iyo Howlgallada Ciidamada Qaranka

Muqdisho — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ka wada hadlay xaaladda amniga guud ee dalka, howlgallada socda ee ay wadaan Ciidamada Qaranka, iyo gogosha wadahadal ee ay Xukuumadda DanQaran u fidisay dhinacyada siyaasadda.   Kulanka, oo uu shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda JFS, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Golaha Wasiirradu...

Ciidamada Jubaland iyo Danab Oo Dib Ula Wareegay Deegaanka Kudhaa ee Degmada Badhaadhe

Badhaadhe — Ciidamada Jubaland, oo ay garab siinayaan Ciidamada Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA) kuwaas oo uu tababaro Maraykanka, ayaa saaka dib ula wareegay deegaanka Kudhaa ee ka tirsan degmada Badhaadhe, kaddib howlgallo militari oo si wadajir ah loo  ay isga kaashadeen.   Deegaanka Kudhaa ayaa shalay galay gacanta kooxda Al-Shabaab, kaddib weerar culus oo ay ku qaadeen fariisimo ay...

Madaxweynaha Israa’iil Oo Sheegay Inuu Davos Kula Kulmay Hoggaamiyaha Somaliland

Davos — Madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog, ayaa sheegay in uu kulan kula yeeshay Shirka Dhaqaalaha Adduunka ee Davos hoggaamiyaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), halkaas oo ay ka wada hadleen arrimo la xiriira xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dhinac.   Madaxweyne Herzog ayaa tilmaamay in kulankaasi uu qeyb ka ahaa wada-hadallo ku saabsan iskaashi iyo arrimo dan-wadaag ah, inkastoo uusan...

Ciidamada AUSSOM iyo Danab Oo Howlgal Wadajir ah Ka Fuliyay Waddada Garoonka Jowhar

Jowhar — Ciidamada AUSSOM, gaar ahaan Qeybtooda Shanaad, iyo Ciidamada Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA) ayaa shalay sameeyay hawlgal wadajir ah oo lagu sugayay amniga waddada dheer ee isku xirta Garoonka Diyaaradaha Jowhar iyo magaalada Jowhar.   Howlgalka, oo uu hoggaaminayay Gaashaanle Désiré Ndihokubwayo, ayaa diiradda lagu saaray wiiqidda shabakadaha Al-Shabaab, sugidda amniga waddooyinka muhiimka ah ee saadka, iyo xaqiijinta...

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Wada-hadal Taleefan Ugu Hambalyeeyay Dhiggiisa Dalka Yugaandha

Muqdisho —   Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta wada-hadal taleefan la yeeshay Madaxweynaha dib loo doortay ee Jamhuuriyadda Yugaandha, Mudane Yoweri Kaguta Museveni.   Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhiggiisa Yugaandha ugu hambalyeeyay dib-u-doorashadiisa, kaddib guushii uu ka gaaray doorashooyinkii dhawaan ka dhacay dalkaasi, isaga oo u rajeeyay in muddada xil-hayntiisa uu dalkiisa ku hoggaamiyo nabad, xasillooni, iyo horumar...

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Oo Kulan La Yeeshay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha Qatar

Doha — Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, oo booqasho rasmi ah ku jooga Dowladda Qatar, ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Qatar, Mudane Sheekh Cabdulcasiis bin Faysal bin Maxamed Aal-Thaani.   Kulanka labada Wasiir ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga amniga ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar, iyo...

IGAD Oo Soo Dhaweysay Ansixinta Soomaaliya ee Heshiiska Cusub ee IGAD

Jabuuti - Urur Goboleedka IGAD (Intergovernmental Authority on Development) ayaa soo dhoweeyay ansixinta Heshiiska cusub ee IGAD ee ay meel mariyeen Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.   Ansixintan Baarlamaanka ayaa loo arkay tallaabo muhiim ah oo muujinaysa sida ay Soomaaliya uga go’an tahay ka-qaybgalka hababka goboleed ee lagu horumarinayo nabadda, horumarka, iyo iskaashiga dalalka Geeska Afrika. IGAD ayaa sheegtay in...

Al-Shabaab oo weerar qaraxyo ku billowday ku qaaday saldhigga Jubbaland ee Buurgaabo

Buurgaabo (Jubbada Hoose) – Xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa saakay weerar culus oo ku billowday qaraxyo ku qaaday saldhig ay ciidamada Jubbaland ku leeyihiin magaalada Buurgaabo ee gobolka Jubbada Hoose.   Weerarka ayaa ka dhacay Buurgaabo, oo ku taalla xuduud-beemaadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, kana dhow magaalada xeebeedka Raaskambooni. Sida wararka hordhaca ah sheegayaan, dagaalka ayaa sababay khasaare isugu...

WARAR KALE

Qaramada Midoobay oo Ka Digtay Xiisadda Ka Taagan El-Obeid ee Suudaan

New York / Khartoum – Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Suudaan, Pekka Haavisto, ayaa ugu baaqay ciidamada gurmadka degdegga ah ee...

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Soomaaliya Oo Ka Qaybgalay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Garsoorka Afrika

NAIROBI – Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe Yuusuf Axmed, ayaa ka qaybgalay Shirweynaha 2-aad ee Hoggaamiyeyaasha Garsoorka Afrika ee Xallinta...

Xiisad Dagaal Oo Weli Ka Taagan Degmada Jalalaqsi Ee Gobolka Hiiraan

JALALAQSI – Xiisad dagaal ayaa weli ka taagan degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, halkaas oo maalmihii la soo dhaafay ay ku dagaallamayeen laba beelood...