Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo garab istaagtey Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Boqortooyada Sacuudi Carabiya bayaan ka soo baxay oo looga hadlay damaca dowladda Itoobiya ee badda Soomaaliya ayaa garab istaag xooggan loogu muujiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyada oo lagu adkeeyay ilaalinta madaxbanaanida iyo midnimada dhulleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

 

Bayaanka ayaa lagu sheegay muhiimadda ay leedahay u hoggaansanaanta mabaadi’da deris-wanaagga, lagana fogaado wax kasta oo xiisadda iyo colaadaha gobolka sii kordhinayo oo laga shaqeeyo nabad-gelyada iyo xasilloonida gobolka, taasoo gacan wanaagsan ka geysanayso horumarinta iskaashiga iyo isdhexgalka dalalka gobolka.

Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyay heleysay taageerada caalamka ee ka dhanka ah xadgudubka Itoobiya ee madax bannaanida Soomaaliya.

Dowladda federaalka ayaa si weyn uga hortimid heshiiska badda ee maamulka Somaliland iyo Itoobiya kowdii bishaan ku dhex-maray gudaha magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here