Muxuu ahaa ujeedka shirka uu ka qayb-galay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka?

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka XFS Mudane Salah Jama ayaa ka qeyb galay kulan lagu difaacayay madaxbannaanida Soomaaliya oo ay soo agaasimeen machadka Heritage.

 

Kulankan oo ay kasoo qeyb galeen xubno ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaannada labada aqal, aqoon-yahanno iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ayaa looga hadlay sidii looga arrinsan lahaa damaca gurracan ee Itoobiya ay ku rabto inay ku qaadato qeybo kamid ah dhulka Soomaaliyeed.

Mudane Saalax ayaa xusay in Dowladda Soomaaliyeed qaadday tallaabooyin badan oo looga hortagayo heshiis ku sheegga lagu boobayo dhulka Soomaaliyeed.

“Heshiis ku sheeggani waxa uu xadgudub cad iyo gardarro ku yahay gobannimada, qarannimada, madaxbannaanida, iyo midnimada dhuleed iyo ummadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa uuna meel-ka- dhac cad ka yahay Dastuurka Soomaaliya, mabaadii’da caalamiga ah iyo kuwa u yaal Ururada Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika, waxaana ay waxyeello ku yihiin deris-wanaagga iyo nabadda gobolka”. Ayuu yidhi Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka oo madasha ka hadlay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here