BALADXAAWO, Soomaaliya – Bulshada ku nool gobolka Gedo ayaa mar kale wajahaya cabsi isa soo taraysa oo ku aaddan suurtagalnimada iska horimaad u dhexeeya ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa maamulka Jubbaland, kaddib markii warar soo baxay ay muujinayaan in ciidamo cusub la geyn doono degmooyin ka tirsan gobolka.
Magaalada Baladxaawo, oo horey u ahayd meel ay ka taagnaayeen xiisado siyaasadeed iyo militari, ayaa ah mid ka mid ah goobaha hadda ugu daran ee cabsi laga qabo. Magaalada waxaa horey ugu sugnaa labo ciidan oo kala taabacsan dowladda federaalka iyo Jubbaland, taasoo marar badan keentay is-maandhaaf.
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Gedo, ayaa dhowr jeer ku celceliyey inay doonayaan in gobolka laga hirgeliyo nidaamka doorasho ee qof iyo cod ah, iyagoo sidoo kale sheegaya in Jubbaland aysan ka talin Gedo.
Xiisaddan ayaa sii xoogeysatay kaddib booqasho uu shalay magaalada Baladxaawo ku tagay Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan, taasoo loo arkay tallaabo siyaasadeed oo dhabar-jab ku ah dadaallada xasilinta gobolka.
Sidoo kale, Kornayl Aadan Rufle, oo horey uga tirsanaa ciidanka xoogga dalka, ayaa uga digay dowladda federaalka inay ciidamo cusub geyso gobolka Gedo, isagoo sheegay in arrintaasi ay kicin karto dagaal sokeeye oo hor leh.
Gobolka Gedo ayaa muddo sanado ah ahaa meel lagu muransan yahay awoodda maamul iyo ta ciidameed, taasoo caqabad ku noqotay dadaallada dowlad-dhisidda Soomaaliya.




