Ciidamada ammaanka oo gacanta kusoo dhigay nin weerar ka gaystay Muqdisho

0

BAYDHABO (SMN) – Faahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar loo adeegsaday bam-gacmeed oo xalay lagu qaaday guri uu magaalada Muqdisho ka dagan yahay sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda oo magaciisa lagu soo koobay Liibaan Madaxweyne.

 

Nin dhalinyaro ah ayaa guriga ku tuuray bam-gacmeed, balse ma qarxin sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Sidoo kale waxaa weerarka kadib gacanta lagu dhigay ninka ka dambeeyay weerarkaasi, kadib howlgal ay sameeyaan ciidamo ka agdhowaa halkaasi.

Laamaha amniga oo gacanta ku haya ninkan ayaa weli ku haya baaris dheeraad ah, waxaana la filayaa in la horgeeyo cadaaladda.

Xaaladda ammaan ee magaalada Muqdisho ayaa daganeyd maalmihii u dambeeyay, waxaana howlgallo ballaaran ka waday ciidanka ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here