Ciidamada ammaanka oo soo qabtay nin xaaskiisa ku dilay degmada Jalalaqsi

0

JALALAQSI (SMN) – Ciidamada ammaanka ee degmada Jalalaqsi oo howlgal ka sameeyay gudaha degmadaas ayaa gacanta kusoo dhigay nin loo haysto inuu dilay xaaskiisa.

 

Falkan argagaxa leh ayaa ka dhacay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, kadib markii la sheegay in ninkaasi oo dhalinyaro ah uu si arxan darro ah u dilay xaaskiisa.

Allaha u naxariistee marxuumadda ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maryama Nuur Mayle, ayada oo eedeysanaha oo ah Seygeeda lagu magacaabo Maxamed Cabdullaahi Cismaan, kaas oo haatan lasoo xiray, waxaana soo qabashadiisa qayb ka qaatay shacabka xaafadda.

Wararka qaar ayaa sheegay in eedeysanaha uu ka maseeray xaaskiisa, kadibna u sidaas ku diray, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Dhacdadan ayaa argagax ku noqotay reer Jalalaqsi, waxaana haatan socota baaris ay wadaan hay’adaha amniga ee ka howlgalka degmadaas oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here