Mareykanka oo war cusub kasoo saaray xiisadda dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya

0

MUQDISHO (SMN) – Maraykanka ayaa mar kale adkeeyay in si aanan ka leex Leexad lahayn uu u taageersan yahay Madax Banaannida iyo Wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

 

Sidoo kale Dowladda Maraykanka ayaa si cad u sheegtay inay soo dhowaynayso Shirka Madaxda IGAD ee 18-ka Bishaan lagu dhawaaqay in uu ka dhacayo dalka Uganda ee looga hadlayo  xad gudubka Ethiopia.

Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ah Guddoomiyaha Ururka IGAD ayaa ku baaqay shir deg deg ah oo looga hadlayo Damaca Gurracan ee Ethiopia iyo jawaabta ay ka bixisay Soomaaliya, kaas  oo ka dhici doona dalka Uganda ayaa daba socda baaqii Soomaaliya ee ahaa in Wadamada IGAD ay kulan ka yeeshaan damaca Ethiopia ee kasoo horjeeda shuruucda caalamiga.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab istaag weyn ka heshay caalamka, kadib xadgubkii ay Itoobiya u gaysatay madax banaanida Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here