Ciidamada Danab oo howlgal culus ka fuliyay duleedka Kismaayo + Khasaaraha

0

KISMAAYO (SMN) – Taliyaha Ururka 5-aad, Guutada 16-aad ee ciidamada Danab, Carab Dheeg Axmed oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Tuulada Kuuba-Kabir oo hoostagtga deegaanada Janaay Cabdalle ee gobolka Jubbada Hoose.

 

Carab Dheeg ayaa sheegay in ciidamada Danab ay ka hortageen weerar ay doonayeen Al-Shabaab inay ku qaadeen deegaanka Janaay Cabdalla iyo deegaanada hoos yimaada.

Sidoo kale taliyaha ayaa shaaca ka qaaday inay howlgalkaas ku dileen illaa 7 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, sida uu hadalk u dhigay.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray inay sii wadaan dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda duleedka magaallo xeebeedka Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, mana jiri wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda.

alka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here