Maxay ka wada-hadleen madaxweyne Xasan Sheekh iyo Catriona Laing?

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb kula kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Marwo Catriona Laing.

 

Madaxweynaha iyo Ergeyga ayaa ka wada hadlay qorshaha xasilinta ee degaannada laga xoreeyey argagixisada iyo sidii addeegyada aasaasiga ah loo gaarsiin lahaa bulshada sannadaha badan ku noolaa gaboodfallada argagixisada iyo xaaladaha binu aaddannimo ee adag.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la wadaagay Wakiilka Qaramada Midoobay miro-dhalka howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab, isagoo sheegay in ololaha lagu saarayo Al-Shabaab uu si habsami leh uga socdo degaanada Galmudug, hadafkuna uu yahay in laga sifeeyo degaanada ay wali ku harsanyihiin.

Dhankeeda, Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada u qaabilsan Soomaaliya Marwo Catriona Laing ayaa bogaadisay sida ay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga go’an tahay cirib-tirka Al-Shabaab, waxa ayna tilmaamtay in joogitaanka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Galmudug ay ka dhigan tahay farriin xoojinaysa halganka xoreynta Soomaaliya iyo sidii la isugu furi lahaa deegaannada ay kala xirtay Shabaab, kana soo maleegto qaraxyada.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here