Ciidamada DF iyo kuwa deegaanka oo kusii siqaya deegaano ku yaalla Mudug

0

XARARDHEERE (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in haatan howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka socdaan koonfurta gobolkaasi, kuwaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.

 

Maxamed Jilibey oo ah taliye ku xigeenka ciidanka Macawiisleyda ayaa faahfaahin ka bixiyay dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan halkaas iyo ujeedka howlgallada ka socda gobolka Mudug.

Sarkaalkan oo u warramay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in haatan ay ku wajahan yihiin deegaanka Caad iyo meelaha kale ee ay Al-Shabaab ka joogaan gobolka, si looga saaro.

Mudug ayaa kamid ah meelaha ay haatan ka socdaan howlgallada culus, waxaa sidoo kale barbar socdo duqeymo xoogan oo ay diyaarado dagaal la beegsadaan xubnaha Al-Shabaab ee ku sugan gobolkaasi oo hoostaga dowlad goboleedka Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here