Ciidamo ka amar qaata Saciid Deni oo la wareegay xarunta baarlamaanka Puntland

0

GAROOWE (SMN) – Wararka laga helayo Garoowe ayaa sheegaya in xalay ciidamo ka tirsan kuwa PMPF oo ka amar qaata madaxweynaha Puntland ay la wareegeen xarunta baarlamaanka ee maamulkaasi.

 

Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa la wareegay amniga dhismaha xarunta Golaha Wakiilada, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Arrintan ayaa salka ku heyso khilaafka ka dhashay guddiga xalinta khilaafaadka ee uu magacaabay madaxweyne Deni, kuwaas oo uu doonayo inay shaqo bilaabaan.

Puntland ayaa ku jirta xaalad siyaasadeed oo cakiran, taas oo ka dhalatay muranka hareeyay doorashooyinka maamulkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here