Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo la wareegay degmada Ruun-nirgood

0

RUUN-NIRGOOD (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta ciidamada huwanta ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta degmada Ruun-nirgood ee gobolkaaasi, kadib markii ay isaga baxeen xubnaha Al-Shabaab.

 

Guddoomiyaha degmadaasi Macallin Muxyidiin Maxamuud oo warramay Idaacadda Shabelle ayaa shaaca ka qaaday in wax dagaal uusan ka dhicin magaalada, isla-markaana ay gudaha galeen degmadaas oo noqoneyso degmadii ugu dambeysay ee laga saaro Shabaab.

Sidoo kale ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ayaa la wareegay gacan ku heynta deegaanka Hilowle Gaab hoostaga isla degmadaasi.

Ciidamada huwanta ayaa weli howlgallo amni xaqiijin ka wada halkaasi, sida uu shaaciyay guddoomiyaha maamulka degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Xaaladda ayaa haatan mid kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemaya aagga degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Qabashadan Ruun-nirgood iyo Hilowle Gaab ayaa timid, kadib markii ay howlgal qaadeen Guutooyinka Cumar Binu-Khadaab, Guutada 17-aad kumaandooska Gor-gor, iyo Guutada 19-aad ee Ilaalo Qaran, kuwaas oo maalmahaan dhaq-dhaqaaqyo ka waday halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here