Hoos u dhac weyn oo ku yimid qaadka ay Kenya usoo dhoofiso Somalia

0

NAIROBI (SMN) – Hoos u dhac wayn ayaa ku yimid dhaqaalaha Beeralayda qaadka ee Kenya kadib markii sida la sheegay dowladda Federaalka Soomaaliya siisay Itoobiya 10 maalmood bil kasta suuqeeda qaadka.

 

Wageyska Daily Nation ayaa sheegay in ganacstada Qaadka Kenya maalmo kooban amar lagu siiyay in ay joojiyaan dhoofinta qaadka ee dalka Soomaaliya, taasoo ay walaac ka muujiyeen.

Arintan ataa timid kadib markii Itoobiya, sida la sheegay ay dowlada Soomaaliya u gudbisay cabasho ku aaddan suuqa qaadka ee loo xiray Kenya kaliya. Madaxweyne Xasan Maxamuud uu xayiraadda qaadka ka qaaday Kenya sanadkii hore kadib labo sano oo aan wax qaad ah imaan dalka.

Guddoomiyaha ururka ganacsatada qaadka ee Maua Maxamed Quresh waxa uu beeniyay warar kasoo baxay Itoobiya oo ah in Kenya kaliya u afduuban yahay suuqa, isagoo hosota ka xariiqay in ganacsigooda uu yahay mid ku xusan heshiis labada dal gaareen.

Kenya ayaa keeni jirtay maalin walba 50,000 oo tan oo qaad ah Soomaaliya, waxaana hadda laga dhigay 19,000, kadib markii suuqa ay Itoobiya soo gashay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here