Ciidamada dowladda Soomaaliya oo la wareegay deegaano horleh

0

BELEDWEYNE (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada dowaldda oo gacan ka helaya maliishiyooyinka loo yaqaano macawisleyda ay Al-Shabaab kala wareegeen maamulka dhowr tuulo oo galbeedka uga aadan xarunta gobolka ee Beledweyne.

Tuulooyinka laga saaray Al-Shabaab waxa kamid ah Luuq Jeelow, Baar, Wardhabeelle iyo Raangaabo oo dhammaantood galbeed ka xiga Beledweyne.

Wasiirka amniga ee Hirshabeelle Maxamed Kheyre oo hadda ku sugan gobolka Hiiraan ayaa sheegay in aan dib looga soo laaban doonin deegaannada Al-Shabaab laga saaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here