Kulanka xeer nidaamiyeyaasha Hey’adda Socdaalka oo ka furmay Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cali Xagaa ayaa si rasmi ah  magaalada Muqdisho uga furay  kulan wadatashi ah oo ku saabsan ka talo bixinta xeer-nidaamiyayaasha lagu dhaqayo sharciyada dhaqangalka ah ee hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa waxaana loo qabtay Saraakiisha, xirfadlayaasha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

 

Wasiirka ayaa kula dardaarmay madaxda sare iyo Saraakiisha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda inay ka faa’ideystaan fursadda loo siiyay 4-tan maalmood in ay ku soo saaraan Xeer-nidaamyeyaasha labada sharci ee dhaqangalka ah.

Agaasimaha Guud ee hay’adda Mudane Axmed Siciid Maxamed ayaa faray howl wadeenada mudada 4-ta maalmood ah ee uu socon doono kulankaan, inay si taxaddar leh uga wada doodaan sharciyada dhaqan galka ah ee  Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

     

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here