Ciidamada dowladda oo howlgal ku dilay xubin ka tirsan Al-Shabaab

0

AFGOOYE (SMN) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal qorsheysan oo ay ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya saacadihii la soo dhaafay ka sameeyeen inta u dhexeysa deegaanada Bariire iyo Sabiid oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

 

Howlgalkan ayaa waxaa lagu dilay xubin ka tirsan Al-Shabaab, ayada oo laga soo furtay hub uu watay, sida ay shaaca ka qaaday warbaahinta ku hadasha afka dowladda.

“Ciidanka gaarka ah ee Hay’adda NISA ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen tuulada Macalinka oo u dhaxeysa Bariire iyo Sabiid ee gobalka Shabeellada Hoose ayaa lagu dilay mid ka mid ah dhagarqabayaasha Khawaarijta, iyadoo ciidamadu ay furteen hubkii uu watay” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ay daabacday warbaahinta dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale qoraalka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamadu ay weli howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka wadaan halkaasi.

“Ciidanka ammaanka ayaa sameeya howlgalo qorshaysan oo joogto ah, kuwaas oo looga hortagayo dhagar kasta oo ay Khawaarijta isku soo abaabulaan” ayaa mar kale lagu yiri.

Shabeelaha Hoose ayaa kamid ah meelaha ay weli ku xoogan tahay Al-Shabaab, waxaana inta badan ka dhaca weeraro iyo dagaal toos ah oo geysta khasaarooyin kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here