Safiirka Soomaaliya ee Belgium-ka oo lacag ka dhacay Jaaliyadda Ireland

0

MUQDISHO (SMN) – Safiirka Soomaaliya ee Belgium-ka Yoonis Xaashi, ayaa waxaa lagu eedeeyay musuq-maasuq inuu ku sameeyo adeegga baasaboorka Soomaaliya, ee safaaradda kasoo dalbadaan Soomaalida ku dhaqan qaar kamid ah dalalka Yurub.

 

Mar uu booqday Ireland 1-dii Lulyo oo ku beegnayd xuska maalinta xoriyada Soomaaliya ayaa safiirka la kulmay muwaadiniin Soomaali ah, oo doonayay in loo sameeyo baasaboorka Soomaaliga.

Waxay dadka gaarayeen ku dhawaan 20 qof, kuwaasoo qaar kamid ah oo la hadlay Shabelle sheegay inuu ka qaatay lacag gaaraysa illaa 6 boqol oo dollar qofkiiba, isagoo u balan qaaday inuu u keenayo baasaboorka Soomaaliya, oo Muqdisho laga soo dalbayo.

Waa qiime aad uga badan midka loogu tala-galay in lagu bixiyo baasaboorka Soomaaliya marka dibadda la joogo, iyadoo lacagtaas ku dhacday jeebka safiirka Soomaaliya ee Belgium-ka, halka loogu talagalay inay aado khasnada dowladda Soomaaliya.

Danjire Yoonis ayaa mudo lagu qiyaasay 24 saac ah joogey Ireland, isagoo dib ugu laabtay Belgium-ka markii uu lacagaha kasoo qaatay muwaadiniinta uu lasoo kulmay.

Dadkii lacagta uu kasoo qaatay ayaa muujiyay rajo xumo, maadaama uusan siinin receipt ama warqada lacag qabashadda, oo cadeynaysa inay bixiyeen lacagta ay ku dalbadeen baasaboorka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here