Ciidamada Galmudug oo dib ula wareegay deegaanka Ceeldheere

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Galmudug ayaa lagu soo warramayaa inay saaka la wareegeen deegaanka Ceeldheere ee gobolka Galgaduud, kadib markii ay isaga baxday Ahlu Sunna oo dhowaan qabsatay deegaankaasi.

Wararka ayaa sheegaya in wax iska caabin ah aysan la kulmin ciidamada dowladda iyo Galmudug, isla-markaana ay si nabadoon kula wareegeen deegaanka.

Ma cadda sababta Ahlu Sunna ay dib uga baxday deegaanka Ceeldheere oo hoostaga magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana deegaankan fariisimo cusub ka sameystay ciidamada huwanta oo durbaba howl-gallo ka bilaabay halkaasi.

Shalay ayey aheyd, markii ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca ay isaga baxeen degmada Matabaan oo ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here