Rooble oo dadka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey maalinta Calanka

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Ummadda Somaaliyeed ugu hambalyeeyey maalinta calankeenna ee 12ka October oo ku beegan maanta oo kale 67 sano ka hor.

“Waxaan Ummadda Somaaliyeed ugu hambalyeynayaa maalinta calankeenna ee 12ka October oo ku beegan maanta oo kale 67 sano ka hor.

Calankeenna ha sarreeyo, gobannimada Soomaaliyeed ha waarto. Gallad waxaan u haynaa geesiyadii u soo halgamay difaaca Calanka iyo Ciidda.” ayuu yidhi Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here