Ciidanka Itoobiya oo dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabay gobolka Gedo + Ujeedka

0

MUQDISHO (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah laga dareemayo gobolkaasi, kadib markii ay dhaq-dhaqaaqyo cusub ka bilaabeen ciidamada Itoobiya.

 

Ciidamada Itoobiya ayaa lasoo wariyay inay xalay bandow kusoo rogeen degmada Doolow, kadibna ay isku fidiyeen waddada dheer ee aada dhanka degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Xiisaddan ayaa daba socota dadkii Oromada ahaa ee habeen hore lagu laayay magaalada Beledxaawo, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Sidoo kale ciidamada Itoobiya ayaa la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka, ayaga oo ka dalbaday in jawaab laga bixiyo falka lagu laayay dadkaasi oo shacab ahaa.

Gedo ayaa waxaa deegaano badan ka jooga ciidamada dowladda Itoobiya oo inta badan howlgallo ka sameeyay magaalooyinka gobolkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here