Taliyaha ciidanka Xoogga dalka oo la kulmay dhiggiisa dalka Uganda

0

KAMPALA (SMN) – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow oo ku sugan wadanka Uganda ayaa kulan la qaatay Taliyaha Ciidamada Milateriga Uganda Gen, Wilson Mbadi.

 

Labada Taliye ayaa ka wada-hadlay iskaashiga iyo xoojinta wadashaqeynta labada dal, iyadoo dowladda uganda ay balanqaaday in Soomaaliya ay garab milateri ka sii doonto dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Taliye Ibraahim Sheekh Muxudiin iyo Taliyaha ciidamada Milateriga Uganda Gen,Wilson Mbadi ayaa si wadajir ah u dul istaagay in la kordhiyo howlgallada wadajirka ah ee lagu ciribtiraayo Al-Shabaab iyadoo dowladda Uganda ay diyaar u tahay garab istaaga iyo Taageerada Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka XDS ayaa booqday Kuliyadda Difaaca Qaranka Uganda, si weyn loogu soo dhaweeyay waxuuna kula kulmay saraakiil Kala duwan oo ka tirsan Milateriga dalka Uganda.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here