Ciidamada Puntland oo howl-gal ka sameeyey magaalada Boosaaso

0

BOOSAASO (SMN) – Ciidamada sida gaarka ah u tababaran MPF ee Puntland ayaa howl-gal qorsheysan saacadihii ugu dambeeyey ka fuliyey gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Qoraal kooban oo ka soo baxay taliska PMPF ayaa lagu sheegay in hawl-galkaas lagu bar-tilmaameedsaday xubno ka tirsan Al-shabaab iyo Daacish, isla-markaana la qabtay.

“Ciidamada Ilaalada Badda iyo Beriga Puntland ee PMPF ayaa hawlgallo qorshaysan oo lagu bartilmaameedsanayo kooxaha Argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish ka fuliyey magaalada Boosaaso.” ayaa lagu yiri warka kooban ee kasoo baxay taliska ciidanka PMPF.

Puntland ayaa sidoo kale intaasi kusii dartay in ciidamada ammaanka ay sii wadi doonaan hawl-gallada qorshaysan ee ka socda deegaanada maamulkaasi.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa ciidanka Puntland ay kordhiyeen dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish ee ka socda gobolka Bari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here