Qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan uu ka dhashay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, isla-markaana uu ka dhacay isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho.

Dad goobjoogayaal ah ayaa inoo sheegay in qaraxa uu geystay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, waxaana haatan socda gurmad deg-deg ah.

Sidoo kale waxaa goobta ay wax ka dhaceen gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Qaraxan ayaa ku soo aadayo, iyada oo shalay mid kale oo is-miidaamin ahaa uu ka dhacay nawaaxiga xarunta Villa Baydhabo oo ku taallo degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here