Ciidamada Soomaaliya oo 16 sano kadib la wareegay amniga Madaxtooyada

0

MUQDISHO (SMN) – Howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya ATMIS ayaa shaaciyay inuu si rasmi ah ugu wareejiyay ciidamada dowladda mas’uuliyadda amniga Madaxtooyadda iyo xarunta Baarlamaanka, taasoo ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday geeddi-socodka kala-guurka.

 

Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya iyo Ciidamo Boolis ah oo si gaar ah u tababaran ayaa la wareegay ammaanka Xarunta Villa Soomaaliya oo muddo 16 sano ah ay gacanta ku hayeen Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah ATMIS. Tani ayaa astaan ​​u ah safarka Soomaaliya ee ku aaddan isku-tiirsanaanta amniga qaranka.

Villa Somalia, oo ah xarunta madaxtooyada ee Muqdisho, oo ay degan yihiin Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, iyo gudoonka Baarlamaanka, ayaa tan iyo 2007-dii ilaalinayay ciidamada Midowga Afrika. La wareegista ciidamada Soomaaliya waxay muujinaysaa kalsoonida sii kordheysa ee caalamku ku qabo in Soomaaliya ay ku maareyso arrimaheeda amniga.

Qaraar dhawaan ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ogolaanaya in si tar-tiib-tartiib ah looga saaro Soomaaliya ciidamada Midowga Afrika, ayaa fulintiisa socota, waxaana wajiga 2aad ee dhimista Ciidanka ATMIS oo hakad ku jiray 3dii bilood ee lasoo dhaafay looga qaadi doonaa dalka 3,000 oo askari 31-ka bishan.

Marka la gaaro December 2024. askariga ugu dambeeyay ee ATMIS, ayaa ka baxaya Soomaaliya, waxaana si buuxda goobaha ay joogeen ula wareegi doono Ciidanka qaranka, sida uu dhigaya qorshaha kala-guurka.

Cunaqabataynta hubka ee Qaramada Midoobay ay dhawaan ka qaaday Soomaaliya ayaa sii xoojinaysa kalsoonida dowladda inay hanato amaanka dalka. Intii lagu guda jiray shirkii amniga Soomaaliya ee Arbacadii ka dhacay New York, madaxa ATMIS Ambassador Mohamed El-Amine Souef ayaa bogaadiyay horumarka Ciidanka dowladda ka sameeyeen dagaalka Al-Shabaab inay tahay tallaabo muhiim u ah dib usoo kabashada dalka.

Inkasta oo ay jiraan caqabado ay ka mid yihiin khatarta Al-Shabaab, haddana dawladda Soomaaliya oo ay taageerayaan maleeshiyo beeleedyo deegaanka ah ayaa muhiimad weyn siinaya soo celinta gacan ku haynta deegaanno badan.

Guddiga wadajirka ah ee saddex geesoodka ah, oo ka kooban ATMIS, dowladda Soomaaliya, iyo UN, ayaa loo xilsaaray xaqiijinta in si nabad ah u dhaco kala-guur iyo dhimista Ciidanka Midowga Afrika, iyadoo laga taxadirayo in goobaha laga baxayo si fudud Al-Shabaab kula wareegto.

Ciidamada ATMIS ay wali haya ammaanka goobaha muhiimka ah ee Muqdisho oo ay ku jiraan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo dekedda weyn, kuwaasoo iyana la filayo in lagu wareejiyo dhawaan ciidamada dowlada Soomaaliya si ay u ilaaliyaan xasilloonida dalka iyo amniga meelaha xasaasiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here