Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka wada duleedka degmada Afgooye

0

AFGOOYE (SMN) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo culus oo ay maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ka wadaan duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

 

Howlgalladan oo ah kuwa amni xaqiijin ah ayaa waxa ay ciidamadu ka wadaan waddada dheer ee xiriirisa degmooyinka Afgooye iyo Wanlaweyn ee gobolkaasi.

Ujeedka ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalladan looga jawaabayo cabasho kasoo yeertay shacabka ku safra waddadan oo inta badan isbaarooyin soo dhigtaan maleeshiyaad hubeysan.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay inay ka hortegi doonaan kooxaha dhaca u gaysata shacabka, ayna gacan bir ah ku qaban doonaan cid kasta oo halis ku ah bulshada.

Waddada aada Wanlaweyn ayaa waxaa marar badan laga soo wariyay amni darro baahsan, kadib markii lasoo dhigay jidgooyooyin tiro badan oo lacago looga qaadi gaadiidleyda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here