Nin Soomaali ah oo loo xiray dilka xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka UK

0

LONDON (SMN) – Waxaa shaley toorey lagu diley mudane ka tirsan Baarlamanka Britain oo lagu magacaabo David Amess oo da’diisu aheyd 69 jira, waxaana uu ka tirsanaa xisbiga afkaartoodu adagtahay ee Conservative Party, iyadoo dilkiisa loo xirey nin 25 jir ah.

Warar ay warbaahinta caalamiga ah qortey ayaa lagu sheegey in weerarkaasi uu ahaa mid argagixiso.

Wakaalada wararka Reuters oo soo xiganaeysa qaar ka mida warbaahinta Britain ayaa sheegtey in ninkan weerarka loo xirey loo badinayo inuu yahay muwaadin British ah, balse asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya.

Illaa iyo hadda wax faah faahin ah kama soo bixin Booliska, waxaana weli socda baaritaano dheeraad ah oo lagu hayo ninkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here