Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya oo qarax miino lala eegtay + khasaaraha

0

LAMU (SMN) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax miino oo saacadihii la soo dhaafay ciidamo ka tirsan kuwa Kenya lagula eegtay qeybo ka mid ah gobolka xeebta ee Lamu, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa mid culus lala bar-tilmaameedsaday ciidamadaasi, xilli ay marayeen inta u dhexeysa deegaannada Kayunga iyo Shangani.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in qaraxa, kadib ay rasaas fureen ciidamada Kenya, balse ma jirto wax khasaare ah oo ay geysatay.

Dhinaca kale Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi loo adeegsaday qaraxa miino ayaa shaacisay inay ku dishay ugu yaraan illaa 15 askari oo ka tirsanaa ciidamada ammaanka ee Kenya, sidoo kalena ay ku gubtay gaari BG ah, sida ay hadalka u dhigtay.

Kenya illaa iyo hadda wax faah faahin ah ma aysan bixin, balse waxaana inta badan deegaanada ku teedsan xadka Soomaaliya ka dhacay weeraro ay fuliso Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here