Majaajiliistihii caanka ahaa ee Ajakis oo ku geeriyooday Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Allaha u naxariistee waxaa goor dhow mid ka mid ah isbitaallada Muqdisho ku geeriyooday majaajiliistihii caanka ahaa ee Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis).

Qaar ka mid ah ehellada marxuumka oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyey geerida naxtinta leh ee ku timid Ajakis oo caan ka ahaa guud ahaan Soomaaliya.

AUN Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis) ayaa waxaa maalmo ka hor ku soo booday xanuun deg-deg ah, isaga oo xaaladiisa caafimaad lagula tacaalayey isbitaalka uu ku geeriyooday.

Ajakis ayaa caan ku ahaa jiliinka iyo madadaalada, sidoo kale wuxuu sameyn jiray barnaamijyo iyo sidoo kale ruwaayado  ay aad u jeclaayeen dadka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here