Ciidanka Koonfur Galbeed oo gacanta kusoo dhigay Al-Shabaab badan + Sawirro

0

BAYDHABO (SMN) – Ciidamada ammaanka ee maamulka Koonfur Galbeed, gaar ahaan kuwa Nabad-sugidda oo howlgallo ka sameeyay Baydhabo iyo deegaanada hoos yimaada ayaa maanta gacanta kusoo dhigay Al-Shabaab.

 

Qoraal kasoo baxay Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in howlgallo ay sameeyeen ciidamada amniga lagu soo qabtay illaa 12 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan:- 

Taliska Nabad sugida iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Magaalada Baydhabo kusoo bandhigey 12 xubnood Oo khawaarijta katirsan kuwaas Oo Ciidanka Gacanta kusoo dhigeen.

Dhaqar-qabiyaashan ayaa laga soo qabqabtay Magaalada Baydhabo iyo Deegaanada ku xeeran kadin markii Ciidanka Howlgalo balaaran Bilihii lasoo dhaafay ka wadeen Magaalada Baydhabo iyo Deegaanada hoos yimaada.

Xubnahan gacanta kusoo dhigeen Ciidanka Nabadsugida koonfur Galbeed ayaa Khawaarijta u kala qaabilsanaa aruurinta lacagaha baadka ah (sakawaadka) iyo jabhada.

Ciidanka Hay’ada Nabad Sugida Iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa howlgalo balaaran ka wada guud ahaan Deeganada Koonfur Galbeed kuwaasi oo lagu xaqiijinaayo amniga guud ee Deeganada Koonfur Galbeed.

Ma ahan markii ugu horeysay ay Ciidanka gacanta kusoo dhigeen dhaqarqabiyaal katirsan khawaarijta, waxay horey uburburiyeen shabakado ka howlgali jirey Magaalada Baydhabo kuwaasi oo la horgeeyey Sharciga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here