Nin xoolo dhaqato ahaa oo aano qabiil loogu dilay gobolka Galgaduud

0

CADAADO (SMN) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka degmada Huurshe ee gobolka Galgaduud, kaas oo loo gaystay nin kamid ahaa dadka deegaanka.

 

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Saadaq Macallin Aadan ayaa waxaa ka dambeeyay maleeshiyaad beeleed hubeysan oo goobta isaga baxsaday.

Ninka la dilay ayaa kasoo jeeda magaalada Cadaado, waxaana xilliga la tooganayay uu ku sugnaa gurigiisa, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya inay baxsadeen maleeshiyaadkii ka dambeeyay falkaas oo lala xiriiriyay aano qabiil.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Galmudug oo haatan wada howlgallo lagu baadi goobayo raggii ka dambeeyay dilkaasi.

Gobollada Dhexe ayaa waxaa marar badan ka dhacay dagaal beeleedyo weli xiisaddooda laga dareemayo gobolladaasi, kuwaas oo saameyn ku yeeshay dadka deegaanadaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here