Ciidanka Danab oo Burburiyay Fariisimo ay Al-Shabaab Ku Lahaayeen Jubbada Hoose

0

Jubbada Hoose – Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 162-aad, ayaa hawlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaannada Lafa-gari, Xabala Afwaax iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

 

Hawlgalladan ayaa lagu burburiyay fariisimo iyo goobo gabaad u ahaa maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo ay kooxdu u adeegsan jirtay dhaq-dhaqaaqyadeeda. Saraakiisha hoggaaminaysay hawlgallada ayaa soo bandhigay sawirro muujinaya godadkii iyo gabaadyadii ay Al-Shabaab iyo horjoogayaasheedu ku lahaayeen dhulka howdka ah ee laga fuliyay hawlgallada.

Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa sheegay inay sii wadi doonaan hawlgallada lagu beegsanayo fariisimaha Al-Shabaab, si loo wiiqo awoodda kooxda loona xoojiyo amniga deegaannada laga xoreeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here