Cumar Cabdirashiid iyo Gaas oo kulamo ka wada magaalada Garoowe + Ujeedka

0

GAROOWE (SMN) – Wararka naga soo gaaraya Garoowe ayaa sheegaya in haatan magaaladaasi ay ka socdaan kulamo xal raadin ah oo ay wadaan ra’iisul wasaareyaashii hore ee dalka, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke iyo Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas), kuwaas oo shalay gaaray Puntland.

 

Labada mas’uul ayaa haatan kulan gaar ah la leh hoggaanka dhaqanka , kaas oo looga hadlayo xiisadda ka taagan magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Sidoo kale waxaa shirkan ka qayb-galaya siyaasiyiinta kasoo jeeda maamulkaasi, waxaana kamid ah xubnahaasi wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad oo qayb ka ah dadaallada ka socda magaalada Garoowe.

Shirka haatan u socdo dhinacyadan ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa xal u helidda doorashooyinka iyo dagaalkii dhowaan ka dhacay magaalada Garoowe.

Kulankan waxaa ka horreeyay shir kale oo ay Cumar Cabdirashiid iyo Cabdiweli Gaas la yeesheen qaar kamid ah xildhibaanada labada gole ee kasoo jeeda deegaanada Puntland, isna waxaa kulankaas looga arrinsaday xaaladda cakiran ee maamulkaasi, gaar ahaan khilaafka u dhexeeya xukuumadda Saciid Deni iyo xubnaha mucaaradka ah.

Dhammaan kulamadaan ayaa hordhac u ah shir guud oo saamileyda siyaasadda iyo isimada dhaqanka ay maalmaha soo socda ku yeelan doonaan Garoowe, kaas oo la filayo in go’aan rasmi ah looga gaaro xiisadda ka taagan magaaladaasi.

Si kastaba, Puntland ayaa waxaa ay gashay marxalad adag, kadib markii uu dagaal khasaare geystay dhawaan ka dhacay bartamaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here